Sacuudiga oo 12-sanno kaddib safiir u magacaaby dal Carbeed oo ay horey xiriirka ugu jareen

Posted on

Boqortooyada Sacuudiga ayaa 12-sanno kaddib safiirkii ugu horreeyay u magacawday dalka Syria ,kaddib markii uu soo hagaagay xiriirkii u dhaxeeyay labada dal oo horey khilaaf xooggan usoo kala dhax galay.

Wakaaladda wararka ee dalka Sucuudiga ayaa baahisay in Faisal al-Mujfel loo magacaabay in uu noqdo danjirihii ugu horrreeyay ee Sacuddiga u dhashay oo 12-sanno kaddib ka howl bilaabaya magaalada Dimishiq ee caasimadda Syria.

Dalka Syria ayaa go’doon siyaasadeen galay tan iyo markii colaad dibad-baxyo ka bilowday uu dhaxda ka galay, waxaana dalkan sannadkii hore loo ogolaaday in kamid ahaanshaha jaamacadda Carabta oo laga saaray sannadkii 2011-kii.

Tallaabadan ayaa noqonaysa mid muujinaysa xiriirka soo hagaagaya ee labada dhinac, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Syria dib loogu ogolaaday ka qaybgalka shirarka ururka Jaamacadda Carabta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link