Hogaamiyaha Caaqilka Ah Kama Leexdo Mariinka Toosan Talada uu u Marayo
Dalka Soomaaliya wuxuu geedi socod ugu jiraa isbedel siyaasadeed oo nidaamka maamulka dowladda loogu diyaarinayo ku shaqeynta dimoqoradiyad horumarsan, taas oo ka turjumeysa isbedelka lagu hormariyey, laguna bedeley dastuurka dalka u degsan, waxeyna taabogelinta himiladaas ah hamiga ummadeed ay u baahan tahay hogaamiye aan ka labalabeyn mariinkaas adag oo loo marayo gaarida wanaaga guud ee maslaxada ummadda.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo raisulwasaaraha xukuumada waxaa horyaal xujooyin u baahan ka gudbideeda ineysan ku qiimeyn daacadnimada ay madaxda maamul goboleedyada kula shaqeynayaan danahooda siyaasadeed, balse ay u horseedaan iney ku taagnaadaan meelmarinta danaha waxtarka u leh danta guud ee maslaxada ummadda, maxaa yeelay daacadnimada shaqsiyadeed waxey markasta ku dambeysaa qiyaano shaqsiyadeed.
Hogaamiyaha aan dacada ka ahayn inuu ku dhiiranaado ku taagnaashaha mariinka siyaasadeed ee uu dadaalka badan ugu bixiyey isbedelka siyaasadeed ee uu dalka ugu jiheeyey horumarintiisa siyaasadeed, ayaa wuxuu wajaha cawaaqibxumo uusan uga badbaadeyn iney talada ka mariin habaabiyaan dad xun oo uu shaqsi ahaan u aaminey oo uu wax kasta ugu tanaasulay si ay danahiisa siyaasadeed ay ugu noqdaan mitidiin daacad ugu ah, taas oo qiimihii uu geliyey u daacad ahaanshihiisa bedelkeeda natiijo ahaan uga helaya qiyaano.
Siyaasadaha guracan oo ay isticmalaan madaxda aysan hogaamintoodu mabda’ adag aysan ku qotomin waxey meeriyaan xeerka dugaaga oo ah ama cun ama ha lagu cuno, taas oo salka ku haysa xeerka dadka daneysteyaasha ah oo ah ama mariin qeexan wax ku hogaami ama mariinka aad hogaaminta u mareysid waa laguu qeexayaa, waxeyna xeeladaas halista badan ay khatarta oo dhan ay dusha ka saareysaa hogaamiyaaha taladiisa la cayn wareejiyey.
Madaxda maamul goboleedyada ma rabaan halista siyaasadeed iney la wadaagaan madaxweynaha dalka, taas oo ah mid xiriirkooda taagdarey siineysa, waxeyna ahayd iney halista siyaasadeed oo ay wada jilayaan ay ku ahadaan midey ku wada midoobaan inkastoo aysan ka wada dhexeyn mabda’ guud oo ay isku raacsan yihiin, haddana ay u sii dheer tahay isnecbaan iyo kala shaki u dhexeeya madaxda maamul gobolada dhexdooda iyo midka kala dhexeeya madaxweynaha dalka.
Madaxda dalka hogaamineysa waa ineysan ku daba dhumin halista ku duugan qaladaadka siyaasadeed oo ay gelayaan madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo weliba qiyaanooyinka ay dalka ka gelayaan ku sii adkeysanaya iney ku sii socdaan, waxeyna noqoneysaa haddii la raaco taladooda iney tilaabadaas ay ka turjumeyso in dagaalka ay kula jiraan dadkooda uu guuleysto oo shacabkoodu uu dhibane u noqdo, taas oo tiiraanyo ma harto ah shaleyto ugu reebeysa madaxda dalka oo aan shacabkaas u qaban wanaagii ay uga baahnaayeen hogaamintooda.
Madaxda hogaamineysa dalka waxey tanaasul aan loo baahneyn ay ka sameeyeen jiritaanka laba xisbi iyo dalku inuu yeesho madaxweyne ku xigeen, taas oo aan meelna ka soo geleyn nidaamka hogaaminta madaxweynaha oo ay tahay inuu yeesho raisulwasaare uu soo magacawdo, waxeynta tilaabadaas ay hogaaminta siyaasadeed dib ugu celineysaa nidaam u dhexeeya hogaanka hanaanka baarlamaanka iyo midka madaxweynaha. waxaan kuwaas ka sii darnaan doona tanaasulada loogu sameynayo madaxda maamul goboleedyada sida ay rabaan.
Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha waa ineysan gorgortan ku dhamaada tanaasul aysan la gelin madaxda maamul goboleedyada oo ay taldooda hogaamineyso wadamada deriska iyo kuwa deris xigeenka ah oo istratejiyada qorshahoodu yahay iney fashiliyaan guulaha ay dowladu gaareyso, kuwaas oo aysan raacsaneyn wadamada ay danahooda shisheeye u adeegayaan, waxaana waajib ku ah iney ku dadaalaan in shacabka dowlad goboleedyada ay saameeyaan ku yeelato isbedelka siyaasadeed oo ay hormuudka dalka ugu yihiin.
Waa halis aan qatarteeda la saadaalin karin haddii aysan maamul goboleedyada doorasho dadweyne aysan ka dhicin ama dagaalkii xagjiriinta uusan mirodhal noqon ama shacabkii ugu taageerada badnaa raacsanaanta dowladda laga horkeeno madaxda dowladda dhexe ama muxaafadkii dowladda ay mucaarad qarsoon noqdaan oo dhulalkii danta guud ahaa ay madaxda dalka hortooda ay xaraash kula galaan ganacsato damiir laweyaala oo dulmi joogto ah ku haya dan yarta ay dhulalkii dowladda uga barakicinayaan iyagoo laaluush ku bixinaya lacagta ay ku iibsanayaan dhulalkaas, taas oo aan geleyn qasnada dowkladda, waxeyna ficiladaas muuqda ay madaxda dowladda hogaamineysa ay shacabka indhahooda ugu muuqan doontaa iney qeyb ka yihiin dadaalada lagu fashilinayo hogaamintooda.
Dadaalada ay madaxda dowladda dhexe ugu jiraan horumarinta dalka waa mid adag oo dhibaatooyin badan laga soo marayo si looga soo gudbo, waxaana mudan bogaadin in ugu dambeynta ay madaxda sare ee dowladda ay ku guuleysaneyso meelmarinta isbedelka siyaasadeed ee dalka lagu hormarinayo kadib marka ay meel mari waayaan iskudayada wakhtiga looga dhuminayo iyo cayaar siyaasadeedka mucaaradka ay ku damacsan yihiin iney tartan doorasho kula dhex galaan inta uu dhiman mudo xileedkooda, taas oo looga jeedo in lagu awood tiro inta uusan dhamaan mudo xileedkooda.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
saciidciise@aol.com