Saciid Ciise: “Hobyo Ma ogola dadkeedu in Heshiis Itoobiya lagula galo Dekedeeda”

Posted on

Itobiya waxey heshiis ganacsi la gashay shirkada World DP ee laga leeyahay dalka Emiraadka, iyadoo sami aan yareyn ku yeelatay kirada dekeda Berbera oo shirkadaas Emiraadka ay kireysatey mudo 30 sano ah, waxeyna Itobiya fursad weyn ugu tahay adeegsiga dekedaas, iyada oo ah mid aad ugu dhow xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto Itobiya oo weliba gaadiidkeeda u saamaxeysa iney si fudud u maraan dhismaha lagu sameeyey wadada isku xirta Berbera iyo Wajaale.

Baahida Itobiya ay u qabto deked ay kala soo degto agabka daruuriga u ah nolol maalmeedka shacabka Itobiya waxaa si buuxda u xaqabtiraya adeegsiga dekeda Berbera oo ay saami wanaagsan ku leedahay kiradeeda, sidaas oo ay dekedaas u dabooli karto baahideeda ayaa haddana waxaa weli ka muuqata Itobiya iney rabto iney ku fido dhamaan xeebaha Soomaaliya dekedaha ku yaala oo ay damaacineyso iney geysato ciidamo oo saldhigyo ciidan ay ka sameysato.

Marka ay dhacdo in Itobiya loo ogolaado iney deked ka kireysato koofurta Soomaaliya, ayaa waxey halkaas ku beereysaa ciidankeeda, sirdoonkeeda, shacabkeeda, iyo ganacsatadeeda, waxaana dhibaato weyn ku qabi doona joogitaankooda maamulka iyo dadweynaha degen deegaanka ay ku taalo dekedu, waxaana sidoo kale halis badan wajahaya deegaanada ay gaadiid ahaan u soo marayaan si ay u soo gaaraan dekeda oo tacadiyada ay geysanayaan aysan jirin cid wax ka qaban karta.

Soomaaliya kuma qasbana iney rabitaanka Itobiya u yeesho sida ay u rabto dekedaheeda, waana taloxumo ay halis badan ka dhalan karto haddii laga yeelo damaceeda dhagarta badan oo ay qasabka ugu dooneyso in laga kireeyo dekedo ay dadkeeda laaluushto oo sida ay doonto ay ka yeesho isticmaalka dekedaha ay kireysato, dekedahaas oo ay u adeegsaneyso iney hub kala soo degto oo ay suurtogal tahay iney u adeegsato caburinta iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay damaaciso lahaanshahooda.

Madaxda sare ee hogaamineysa dowladda Soomaaliya xeelad wanaagsan uma aha iney shardi Itobiya uga dhigto in haddii ay ka noqoto heshiiskii ay la gashay madaxweynaha Somaliland ee ahaa in deked iyo saldhig ciidan laga siiyo Lughaya, iney taas bedelkeeda ay deked kiro ah ay ka siineyso mid ka mida dekedaha ku yaal koofurta Soomaaliya, iyagoo ogsoon iney weli taagan tahay damaca riyada Itobiya ay mar uun ku dooneyso iney ku hanato xeebaha Soomaaliya oo ciidankoodu ay fariisimo ku yeeshaan.

Soomaaliya waa iney Itobiya hor dhigtaa xujo u dhiganta mida ay ku dooneyso xeebaha Soomaaliya oo ah iney dhulka Soomaalida Galbeed ku soo wareejiso Soomaaliya si balanqaadyadeeda wax looga qabto, balse haddii ay dhacdo iney Soomaaliya dhulkeeda sii lahaato, haddana ay rabto iney ku darsato joogitaanka ciidamadeeda ay fariisimo ku yeeashaan xeebaha Soomaaliya, waxey taas Soomaalida ku noqoneysaa iney ogolaatay isku dhiibida cadowgii burburin lahaa jiritaankeeda.

Waxaa looga baahan yahay waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo madaxda maamul goboleedka Galmudug ineysan sinaba u ogolaan in degaanadeeda la soo geliyo ciidamo Itobiyaana ama heshiis lagula galo dekedaheeda oo shacabkeeda ka dhigta mid lagu gumeysto kheyraadkooda, looguna awood sheegto maamulida kheyraadkooda, taas oo dhalineysa in iska caabinteeda ay ku kaceyso dhiig badan oo ka data shacabka Galmudug iyo hanti badan oo ku lunta sidii iska kicintooda loo meel marin lahaa.

Itobiya waxey dabasocotaa heshiisyadii ay cabsigelinta uga saxiixatay Fahad iyo Farmaajo oo ay sida qarsoodiga ah ay ugu ogolaadeen iney ciidamdeeda si rasmiya ay saldhigyo mileteri ay ugu sameystaan afar dekedood oo ku yaala koofurta Soomaaliya, waxeyna Itobiya ay xeelad kasta u mareysa sidii ay u meelmarsan lahayd heshiisyadaas oo ay si aayar socoda ay ugu wada fidi lahayd dhamaan kontoroolida dekedaha Soomaaliyeed ee ku yaala xeebaheeda koofureed.

Dowladda Soomaaliya waxaa ku adkaaneysaa iney bixiso deked aysan raali ka ahayn dadka degen deegaankeeda, haddii ay talabadaas meelmarisana waxey ku xadgudbeysa xuquuqda wadaniyada shacabkaas oo masiirkooda nololeed la gelinayo halis ay adag tahay ka soo kabashadeedu, waxeyna tilaabadaas ay hoos u dhigeysa kalsoonida ay shacabka deegaanadaas ku qabaan madaxda dowladda dhexe, taas oo mugdi gelineysa madaxbanaanida go’aanadooda oo ay ka dhalan karto tuhuno la xiriira qiyaano qaran.

Ujeedada ugu weyn ee Itobiya ay ku raadineyso dekedo badan waxey tilmaameysaa iney ku damacsan tahay iney iska horkeento shacabka iyo madaxda dowladda dhexe, kadibna ay fursad u hesho sida ay dhuuniqaateyaal uga sameysan lahayd dekedaha ay joogaan, kuwaas oo sida madaxda Somaliland uu suurtogelinaysa qiil ay ku dhalanrogaan dadka iyo deegaanada ay ku yaalaan dekedaha ay qabsadeen, waxeyna og yihiin in qorshahooda mustaqbaka fog uu u suurtogelinayo iney dekedahaas lahaanshahooda milkinayaan.

Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon ineysan halis gelin jiritaanka qaranimada Soomaaliya oo ay fahmaan in Itobiya ay si kasta uga go’aan tahay iney Soomaaliya xukunkeeda hoos keento, sidaas daradeedna aysan Itobiya wax heshiisa aysan kula gelin dekedaha Soomaaliya, waxaana madaxda Soomaaliya waayoaragnimo ugu filan ineysan jirin xeer dabraya Itobiya, sida ay ku arkeen markii ay Itobiya ku adkeysatay iney heshiiska ay la gashay Somaliland ay kula wareegeyso deegaanka dekeda Lughaya, taas oo ka soo horjeeda xeerarka caalamka iyo kuwa gobolka, balse ay go’aansatay iney iska indhotirto.

Waxaa tixgelin mudan in la is weydiiyo sababta Itobiya aysan ugu dhiiran iney dekedo uga raadsato Eriteriya, Kenya, iyo Sudan, balse ay ku dhegen tahay iney Soomaaliya xeebaheeda dekedo uga hesho, waxeyna taas ay cid walba u cadeyneysaa in dalabka Itobiya ay ku hoos duugan tahay aragtiyo diimeed oo si hoose gacan ugu siinaysa inuusan wadan Muslim ah uusan yeelan kontoroolka xeebo dheer oo istratejiya, sidaas daradeedna Itobiya si daahsoon gacan loogu siinayo sidii ay fursad ugu yeelan lahayd kontoroolida xeebaha Soomaaliya qeybo ka mida.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Source link