Sababihii qarsoona ee FARMAAJO ula diriri waayey Al-Shabaab oo soo if-baxay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid kamid ah eedaha loo haysto waa in uusan si dhab ah ula diririn argagixisada 5 sano iyo 3 billood oo uu madaxweyne ka ahaa Soomaaliya.

Markii isaga iyo Xasn Sheekh la isbarbar-dhigo meelaha Farmaajo looga horreeyo waxaa kamid ah la-dagaalanka argagixisada, oo ah mushkilada ugu weyn ee maanta taalla Soomaaliya.

Sababo badan ayaa loo sameeya in uusan Farmaajo si dhab ah ugu bareerin la-dagaalanka argagixisada, mid kamid ah ayaa waxay tahay kooxdiisi ugu dhoweyd ama dadkii ku hareeraysna markii uu tallada joogay.

Haddii saaxiibadaada siyaasadda, dadka mas’uuliyadda amniga ku haya ama kuwa aad tallada ka qaadato aanay Shabaab u arkin cadow dhab ah waa arrin culus, waxaana adkaaneysa in aad hesho xog sugan oo argagixisada la xiriirta ama aad deg-deg u jiheyso dagaalkooda.

Dabcan lama dhihi karo madaxweynuhu isaga dabay argagixisada, laakiin dhowr jeer oo hore waxaa la duray taliyihiisi nabad-sugidda Fahad Yaasiin oo lala xiriiriyay inuu u dabcinayo kooxda, halka dhawaan La-taliyihii Farmaajo ee dhinaca amniga Cabdisaciid Muuse uu isna bixiyay wareysi muujinaayay inuu kooxda siinayo awood dheeri ah, kana fogaanayo in uu aad u muujiyo inuu meel adag ka taagan yahay argagixisada.

Tani waxay dadka qaar siisay inuu madaxweyne Farmaajo la noolaa xubno aan Shabaabka u arag halis weyn, beddelkeedana xooga badan gelinaayay siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda ama dowladdaha deriska qaarkood.

Farmaajo wuxuu markale doonayaa xukunka Soomaaliya

Markii aad madaxtinimo raadineysid keliya lama fiirin doono wixii aad soo qabatay iyo ballamaadada cusub ee sidoo kale dadka waxay eegi doonaan xubnaha kugu hareeraysan. Farmaajo-na haddii uu isla safkii hore soo celiyo, iyada oo weli qabyo tahay la-dagaalanka argagixisada, waxay dhalin doontaa inay dadka il-gaar ah ku fiiriyaan safkiisa.

Inkasta oo kooxdiisa ay ku dooddo inay diyaarinta ciidanka xoogga saareen, oo ay rabeen inay abuuraan ciidan Soomaaliyeed oo ku filan inay kooxda wiiqaan, dhulka laga saaro maamulaan, dalkana difaacan.

Haddana, sida ay iskugu milmeen kooxaha argagixisada iyo laamaha amniga ee dowladda xilligii Farmaajo ama ay argagixisada ugu xoogeysatay Muqdisho waa dhaawac weyn oo uusan inkiri karin nidaamkii Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhinaca la-dagaalanka argagixisada waxa uu ka haysta diiwaan ka wanaagsan midka Farmaajo, wallow uu dhinaca kale taagan yahay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa ninka argagixisada ka saaray magaalada Muqdisho, kaas oo isna leh diiwaan wanaagsan oo ah dhinaca la-dagaalanka argagixisada.



Source link