Saalax Jaamac oo qabtay shir muhiim u ah qorshaha xukuumadda

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo Muhiimmadda uu u leeyahay Xukuumadda.

Hannaanka qorista qorshaha isbeddelka Qaran waa geedi-socod muhiim ah oo Xukuumadda ka caawinaya in ay gaarto hadaf-yadeeda sare ee horumarineed ee lagu hagayo horumarinta dalka.

Waxaa la hubinayaa in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka faa’iidaystaan qorshahaan, sida lagu cadeeyey bayaan ka soo baxay shirka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalka ay ku horumarineyso dalka.

Xukuumadda ayaa adeegsanaysa hannaanka qorshaha isbeddelka Qaran, si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo leh oo ammaan ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dardargelinta Guddi hoosaadyadda heer Farsame iyo heer Wasiiro iyo diyaar garowga ku aaddan waxqabadka Xukuumadda oo labo sano jirsatay.










Source link