RW Xamsa oo soo xiray shirkii culimada Soomaaliyeed iyo bayaan ka soo baxay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo afar maalmood ah, waxaana looga hadlay qodobo muhiim u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaaka Soomaaliya, wuxuuna qabsoomay sanadkii labaad, iyadoo la isugu keenay mashaa’ikhda ugu waaweyn culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dibadda iyo gobollada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay shirka, wuxuuna ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban ee Islaamka.

Afartii maalmood ee shirweynahaan uu ka socday magaalada Muqdisho, waxay culimada Soomaaliyeed isku weydaarsadeen talooyin wax tar u leh dalka, dadka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana gabagabadii laga soo saaray war-saxaafadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii soo xiray shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo qabsoomay sanadkii labaad oo xiriir ah.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiidada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka umaddaan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn. Culumada Soomaliyeed waxaan ka rabnaa in ay sameeyaan naf-hurnimo oo ay kiciyaan bulshada, naguna hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro cadowga khawaarijta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab waa 3 jiho oo kala ah diinta, dhaqaalaha iyo kan tooska ah oo ciidanka xoogga Soomaaliya ay gobollo badan uga nadiifiyeen argagixisada.

Shirkii kan ka horeeyey waxay sanadkii hore culimada Soomaaliyeed ka soo saareen fatwo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana loo aqoonsaday Khawaarij ay culimadu cadeysay in dhiigooda in la daadiyo oo maalkooda la furto, dalkana laga xoreeyo ay banaantahay, taas oo dad badan ku dhiiri-geliyey inay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka, si ay ugu jihaadaan Khawaarijta.

Hoos ka daawo Bayaanka laga soo saaray shirka



Source link