RUUSHKA oo ciidamo badan looga dilay dalka…

Posted on

Dakar (Wararka Maanta) – Fallaagada gooni u goosadka ee ka dagaalanta waqooyiga Mali ayaa sheegay in ay dileen tobanaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ee Wagner iyo weliba xubno ka mida ciidamada dowladda, meel u dhow xudduudda Aljeeriya.

Kooxaha gooni u goosadka ah ayaa sheegay Khamiistii shalay in ay dileen 84 dagaalyahan oo ka tirsna kooxda Wagner iyo 47 askari oo ka tirsan ciidamada Mali, ka dib dagaal socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo bilaabmay bishii July 25-keedii. Dagaalkan ayaa ka bilawday xero milateri oo ku taalla Tinzaouaten.

Kooxda ayaa sheegay inay jiraan illaa 30 kale oo dhintay ama si xun loo dhaawacay, balse lagu daadgureeyey diyaarado, loona qaaday magaalada Kidal.

Sidoo kale waxay intaas raaciyeen in ay jiraan meydad gubtay oo ku dhex jiray gawaarida gaashaaman iyo kuwa xamuulka qaada.

Azawad waa magaca guud ee dhammaan deegaanada Tuareg Berber, gaar ahaan qaybta waqooyi ee Mali iyo waqooyiga iyo galbeedka Niger. Kooxaha gooni u goosadka ayaa u halgama inay helaan waddan madax banaan.

Isbaheysiga gooni u goosadka ayaa sheegay in ay qafaasheen todobo ka tirsan ciidamada Wagner iyo kuwa dowladda Maali, waxaana ay sheegeen in dagaalka ay ku waayeen sagaal nin.

AFP uma suurogelin inay xaqiijiyaan tirada la soo bandhigay, hase ahaatee Wagner ayaa qiratay inuu jiro khasaare xooggan oo soo gaadhay.



Source link