Rooble oo farriin u diray madaxda dalka “Yaan loo noqon jidkii 2-da indhood na tiri lahaa”

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay heshiiskii maanta lagu saxiixay dhismaha dekedda Hobyo ayaa farriin u diray madaxda Soomaaliya, isagoo aan kala reebin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Rooble ayaa madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada dalkaan, una istaagaan hormarintiisa.

“Waxaa idin sugaya shacab Soomaaliyeed oo u diyaarsan inay mustqabalkooda dhistaan, danta guud mar kasta ka hormariya dantiina gaarka ah,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa ka digay in dib loogu noqdo wadadii Soomaali ku kala tagtay ee horay loo soo arkay, isagoo tilmaamay dhibaatada ku dhici karta qofkii dib u dhac ka shaqeeya.

“Wadadii shalay isha lagu soo belay yaan dib loogu noqon, waxaad ogaataan qofkii wadadaas ku noqda labada indhood ayuu beelayaa,” ayuu maanta yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Hadalka R/Wasaare hore Rooble ayaa ku soo aadaya xilli madaxda Soomaaliya uu shir xasaasi ah muddo toddobaad ku dhow uga socdo madaxtooyada qaranka, iyagoo ku heshii la’ halka loo jiheynayo masiirka dalka, gaar ahaan hanaanka ay u dhacayaan doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Jubbaland oo shirka isaga tagay ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, waxaana muuqata in siyaasadda dalka ay cakiran tahay, waxaana laga warsugayaa waxa ka soo bixi doona shirka golaha wadatashiga qaranka ee weli socda.

Rooble ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo, taasi oo kulmisay Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaano, Wasiirro, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.

Muddo 45 cisho ah ayaa la go’aamiyey in lagu bilaabo dhismaha dekedda Hobyo, waxaana dhisaya oo qandaraaska qaatay labo shirkadood oo Soomaali iyo Turki ay kala leeyihiin.

Kharashka ku baxaya dhismaha dekedaas waxaa maanta laga sheegay madasha in la hayo 70% halka inta kale la rijeynayo inay soo uruurto inta uu socdo dhismaha dekedaas.

Hoos ka daawo



Source link