Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee dalka oo laga guddoomay warqada Aqoonsiga Safiirnimo

Posted on

Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed, oo dhawaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa laga guddoomay warqada aqoonsiga safiirnnimo.

Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid, ayaa xarunta madaxtooyada dalkaasi uga guddoomay warqada aqoonsiga safiirnimo, waxaana safiirka di heer sare ah loogu soo dhaweeyay madaxtooyada Ciraaq.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Ciraaq salaan uu ka waday Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna u sheegay in diyaar u yahay xoojinta xiriirka labada dal.

Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya, sidoo kale soo noqday wasiir iyo musharax Madaxweyne ayaa wakiil uga noqon doona Soomaaliya dalka Ciraaq, waxaana labada dal oo kasoo kabanaya colaad argagaxiso hadda yahay xiriirkooda mid soo kobcaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link