Ra’iisul wasaare XAMZA oo war culus kasoo saaray dagaalka LUUQ

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa looga hadlay dagaal beeleedka maalmaha qaatay ee ka socda gudaha degmada Luuqa oo ka tirsan gobolka Gedo.

Xamza ayaa baaq deg-deg ah kasoo saaray dagaalkaasi, wuxuuna ka dalbaday labada beelooed inay dirirta joojiyaan, si looga hortegi dhiigga macno darrada ah ee daadanayo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray  Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo uu tilmaamay fursad u noqon karaan Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo badan oo kamid ah dalka.

“Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale oo uu Xamza faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaloya in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada iyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka.

Xaaladda Luuq ayaa maanta deggan, inkastoo ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka ku dagaalamay magaaladaas oo dagaalkoodu sababay khasaare aad u wayn.

Si kastaba waxaa dagaalkan oo socdo ku dhowaad todobaad ayaa lagu dilay illaa 20 qof, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn.



Source link