Ra’iisul wasaare Xamza oo magacaabay wasiiro cusub

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo goordhow soo saaray wareegto ayaa magacaabay 4 xubnood oo kamid noqonayo golaha wasiirada Soomaaliya.

Afarta xubnood ayaa ah dhammaantood xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, kuwaas oo hadda ku biiraya golaha wasiirada dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:

Muqdisho, 27, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97,98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlada baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha hoos ku xusan:

1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga
3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha



Source link