Ra’iisul wasaare Xamza oo laga dalbaday inuu is casilo + Sababta

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta weerar culus ku qaaday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xukuumaddiisa, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilantay adeegga ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday inay kasii dartay dhibaatada xilligan ka taagan dalka, isla markaana culeyskii ugu xooganaa ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inay suuragal tahay inay kacaan, ayna sameeyaan sida shacabka Kenya oo kale.

“Sidaad la socotaan dalkan dariska nala ah ee Kenya muwaadiniintii waxay gaareen inay galaan xarunta baarlamaanka oo ay gubaan annaga diyaar uma nihin in aqalkeenna lasoo galo, shaqo kuma lihin waxa fashilka ka taagan yahay waa xukuumadda uu ra’iisul wasaaraha ka yahay Xamza Cabdi Barre” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre inuu is casilo, isaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay waxqabadkii laga rabay xukuumaddiisa.

“Waxaan kula talinayaa ra’iisul wasaaraha dhowr mar wuxuu sheegay mayd fakaday xukuumaddan waa noolaan waysay waxaan ka codsaneynaa inay fakato dalkan wax uga haray malaha waxaan idin-kuugu baaqeynaa inaad si sharaf leh isku casihaan” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday hubkii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, wuxuuna sheegay in loo waday Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Hubkaas lagu dhacay Caabudwaaq Al-Shabaab ayaa loo waday si Macawisleyda loogu laayo, dadka Caabudwaaq waxaan leeyahay hubkaas yuusan ka bixin gacantiina, waa hub Soomaaliyeed oo amniga dalka lagu difaaci doono” ayuu mar kale yiri xildhibaan Maalik.

Isaga oo ka hadlayay arrinta canshuurta waxa uu yiri “Dadka Muqdisho kaligeed canshuur lagama qaadi karo annagana raalli kaa nihin baarlamaanka ayaa canshurta shaqo ku leh”.

Maalmihii u dambeeyay xildhibaannada baarlamaanka ayaa waday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah xukuumadda DanQaran ee ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo si weyn loo dareemay kadib furitaankii kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal.



Source link