Ra’iisul wasaare Xamza oo 4 qodob kala hadlay dhiggiisa dalka Ciraaq + Sawirro

Posted on

Baqdaad (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo haatan ku sugan dalka Ciraaq ayaa maanta soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, wuxuuna kadib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa wadkdanaasi Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Labada ra’iisul wasaare kulankooda waxa ay kaga wada-hadleen afar qodob oo ka ah xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhiggiisa la wadaagay horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada oo halis ku haya labada dowladda.

Kulamada ayaa sii socon doonaan ayada oo diiradda lagu saari doono sii xoojinta iskaashiga ka dhexeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Baqdaad, si ay u yeesheen xiriir ballaaran.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah wasiirrada arrimaha dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cig  Isbeddelka Cimillada Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi iyo taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Wasiirada ayaa sidoo kale kulamo duceedyo la yeelan doono wasiirada dhiggooda ah ee Ciraaq, si ay uga wada-hadleen arrimaha quseeya wasaaradahooda iyo wada shaqeyn dhex marta labada dhinac.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya.

Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda.



Source link