Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad xukuumadda Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, isaga oo tegay xarunta baarlamaanka.
Cabdisalaan Dhaay ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu gacan qaaday, waxayna ugu hambalyeeyeen xilka cusub ee loo magacaabay.
Intaasi kadib ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad iyo xubnaha golaha wasiirada cusub ee lasoo magacaabay ayaa lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka, si ay u gataan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen, iyada oo maanta kadib ay toos u guda geli doonaan shaqooyinkooda.
Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.
Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.
Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayada oo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo,
Madaxweyne Xasan ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed.