R/Wasaare Xamza oo gaaray Kismaayo + Qorshaha

Posted on




Kismaayo (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ayaa usii gudbi doona deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa dhawaan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadden saldhigyada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, ayada oo halkaasi looga adkaaday maleeshiyaadka kooxda.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inay ka qeyb noqdaan mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si ay ula kulmaan ciidamada iyo saraakiisha dagaalka la galay Shabaabka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka ee Danab iyo kuwa Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku sugan halkaasi.

Si kastaba, safarka ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano dhowr ah oo dhaca inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.










Source link