R/Wasaare ku-xigeenka oo guddoomiyey shir aan caadi aheyn + Ujeedka (Sawirro)

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shir aan caadi aheyn oo eer wasiirro ah.

Shirkan ayaa looga hadlayay qorshaha xasillinta deegaannada laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab, xilli uu dhawaan si rasmi ah u bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horrayn bogaadiyay ciidammada qalabka sida guulaha wax ku oolka ah ee ay ka samaynayaan furrimaha dagaalka oo ay ugu dambeeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo dhawaan xoreeyey deegaanno ka tirsan maamulkaas.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka xasilinta iyo howlaha ka qabsoomay deegaannada la xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Waxa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradaha ee ku aaddan deegaanada sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa adeegga dawladnimada sida waxbarashada, cafimaadka iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah.

Howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda ayaa bilowgii hore keenay natiijo wax ku ool ah iyo in kooxda laga fara-maroojiyo dhul baaxad leh oo sanado badan ay ka talinayeen, inkasta oo bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka, wallow uu socdo qorshe dhiig cusub loogu shubayo si ay dowladda usii xajisato libinta dagaalkan.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howl-gallada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaanada Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka.



Source link