R/wasaare ku-xigeenka dalka oo waayey kursigiisa Aqalka Sare, kadib markii…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Saalax Jaamac ayaa maanta waayey xubinimadiisii Golaha Aqalka Sare, sida uu shaaciyay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen Senatorada Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka aanu soo xaadirin kulamada golaha muddo laba sano iyo bar ah ah, sidaasna uu ku lumiyay kursigiisa.

“Laba sano iyo lix bilood hal maalin cag ma soo dhigin xarunta Golaha Aqalka Sare” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu soo buuxinayo booska uuu waayay Saalax, kaas horay ugula tartamay kursiga.

Dhanka kale arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha oo doonayay in isla maanta kursigan loo dhaariyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare.

Xildhibaannada ka horyimid dhaarinta ayaa ku dooday in aysan suurtagal ahayn, maadaama aan dastuurka lagu heshiin.

Senator Xasan Kobac oo kamid ah xubnaha diiday ayaa yiri “Waa degdeg arrintan sax maaha in golaha uu ka shaqeeyo nidaam aan sax ahayn oo qofaan keenaa, midna waan tiraa ah”.

Dhankeeda Senator Zamzam Daahir “Kursiga reer Soomaaliland ayaa iska leh Cabdi Xaashi ayaana masuul ka ah wixii reer Soomaaliland ah Gudoomiye Xafiiskaaga kusoo dhamee Senatorka nasoo ag fadhiisi kaliya”.



Source link