R/W Xamza oo saddex qodob kala hadlay Mareykanka + Sawirro

Posted on

New York (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York oo uu uga qayb-galayo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa weli kulamo gaar gaar ah ka wada  magaaladaasi.

Xamza ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo xasaasi ah.

Sidoo kale waxa labada mas’uul ka wada-hadleen arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sanadka cusub.

Ra’iisul wasaaraha sidoo kale wuxuu horay New York ugula kulmay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada arrinsadeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxda kale ee uu la shiray waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin  xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak oo isna ku sugan magaalada New York, waxayna ka wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale wuxuu Amiirka ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.



Source link