R/W Xamza oo qaaday tallaabo culus oo Muqdisho looga howlgeliyay…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa howlgeliyay xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka, taas ku taalla gudaha isbitaalka Banaadir ee magaalada caasimad ah ee Muqdisho.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xaruntan cusub ayaa kaalin ka qaadan doonto samata bixinta bukaanada u baahan dhiigga, waxaana la dhigay mashiinadii ugu dambeeyay iyo qalab casri ah.

“Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Intaasi kadib Xamza Cabdi Barre ayaa booqday Isbitaalka Banaadir, isaga oo kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka.

Waxaa kale oo uu ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna dhinaca kale u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad.

Waxa gabagabadii warsaxaafadeedka lagu yiri “Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah”



Source link