R/W Xamza oo qaabilay James Swan, kadib safarkiisii Kismaayo + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay sii hayaha ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo haatan kasoo laabtay magaalada Kismaayo oo uu kula soo kulmay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Kulanka Xamza iyo Swan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo QM, iyada oo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka oo uu ka taagan yahay muran xoogan, maadaama Axmed Madoobe uu diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod, arrintaas oo looga hadlay shirka golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho.

Arrimaha kale ee laga wada-hadlay waxaa kamid ah xasillinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta iyo arrimaha bini’aadanimada ee dalka.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus, waxaana xilliyadaan oo kale dadaallo dheeraad ah sameeya James Swan, kaas oo Axmed Madoobe ugu tegay Kismaayo, si xiisadda loo qaboojiyo.

Si kastaba, ma jirto natiijo laga gaaray illaa iyo hadda dadaallada la sameeyay, waxaana lasoo wariyay in hoggaamiyaha Jubbaland uu ku adkeystay mowqifkiisa diidmada ah iyo inuu qabsanayo doorasho gooni ah oo deg deg ah.



Source link