R/W Xamza oo farriin culus diray kadib tallaabo uu maanta qaaday + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka.

Waxa uu baaq culus u dirah dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran.

“Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray “Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.”

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda.

Dib-u-dhiska wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kamid ah qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh, si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.



Source link