R/W Xamza oo arrimo xasaasi ah kala hadlay dhiggiisa Qatar + Sawirro

Posted on

Dooxa (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa maanta ka bilaabay kulamo xasaasi ah oo uu la yeelanayo madaxda sare ee dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa kulan gaara la qaatay dhiggiisa Qatar Qatar, ra’iisul wasaare Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Labada ra’iisul wasaare ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka u dhaxeeya  Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada ay mar weliba siiso Soomaaliya, taas oo ay ugu muhiimsan tahay arrimaha bani’aadanimada iyo mashariicda muhiimka ah, sida dhismaha  jidadka oo ay ka qayb qaadato Qatar.

Dhankiisa wa’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaan oo madasha ka hadlay ayaa xaqiijiyay in dowladdda Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay shir kale oo uu ra’iisul wasaare Xamza maanta qurbejoogta Soomaaliyeed uga furay magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, waxaana ka soo qaybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasi oo shirku uga socon doono magaalada Dooxa 22 – 24 Luulyo 2024.

Xamza oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha oo halkudhiggiisu yahay “Jiheynta awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah” ayaa waxa uu sheegay ahmiyadda shirkan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan baahida loo qabo xilligan in Qurbajoobta Soomaaliyeed ay sii laba jibbaaraan kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan dib u dhiska dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dheeraaday doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska, waxbarashada, koboca dhaqaalaha iyo guud ahaan nolosha dalkeena iyo bulshadaba, iyaga oo door weyn ka qaata horumarka dalka. Waxaa kale oo ugu baaqay boqolaalka qof ee Soomaaliyeed ee ka soo qaybgalay shirka inay ka miradhaliyaan rajooyinka iyo yoolalka dadka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ee ah nabad, horumar iyo barwaaqo.



Source link