R/W Xamsa oo booqday Masjidka taariikhiga ah ee Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani

Posted on

Baqdaad (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ku yaalla caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haysa, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Masjidka iyo guud ahaan dalka Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan.

Xamsa Barre ayaa sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah.

Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee magaalada Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar.

Weli wafdiga xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sugan dalka Ciraaq oo casuumaad ay ku tageen, ra’iisul wasaaraha waxaa safarkaas ku wehliya wasiirada arimaha dibadda, maaliyadda, deegaanka, taliyaha NISA, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.



Source link