Qoys Tanaadnimada ka doorbiday inay Tuugsadaan iyo hal arrin oo Sabab u noqotay!

Posted on




Lammaane maalqabeen ah oo u dhashay Hindiya ayaa ku dhawaaqay in adduun wixii ay ka qabeen oo dhan lacag gaaraysa  Rs 200 crore ugu deeqayaan hey’adaha samaflka iyo daryeelka , iyaga oo markaas kadib noqonaya kuwo ka saahida dhaldhalaalka adduunyada kuna tiirsanaanaya yabooha iyo kaalmada dadka kale si ay usii noolaadaan!

Bhavesh Bhandari iyo afadiisa waxay hanti xooggan ka tacbeen shirkad dhismo waxayna ka sameeyeen adduun dhan  Rs 200 crore ($24 million). Sida maalqabeennada kalana, waxay ku raaxaysteen hantidooda – iyaga oo ku tamashlaynaya gawaari qurxoon iyo guryo jamaad leh.

Laakiin labo sano kahor ayay go’aansadeen inay ka reebtoomaan macaanka iyo dhaldhalaalka nolosha: taas beddelkeedana waxay doorteen inay nqodaan kuwa ka go’a nolosha caadiga una go’a cibaadada ay aaminsan yihiin!

Gabadha iyo wiilka ay dhaleen oo kala jira 16 iyo 19 ayaa ku dhiirrigeliyay inay ka saahidaan adduunka oo dhan oo ay noqdaan wadaad diimeedyo, kuwaas oo sannadkii 2022 u saahiday xagga diinta ay aaminsan yihiin.

Si kastaba, 22 April ee sannadkan ayay ku dhawaaqeen inay ka go’een jaceylka nolosha raaxada una go’een cibaadada. Waxayna hadda kaddib ku samata-bixi doonaan sadaqada iyo siismada ay ka helaan dadka kale si ay usii noolaadaan maadaama hantidoodii oo dhan ay ka saahideen!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link