Qoor Qoor oo xilkii ka qaaday wasiir muhiim ah oo xiisadii Xarardheere loo adeegsaday

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa caawa bedelay wasiirkii wafaafinta xukuumadiisa oo ahaa xubin firfircoon.

Qoor Qoor ayaa soo saaray dikreeto uu ku magacaabay Cali Maxamuud Faarax inuu noqdo wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirkii xilkaan laga qaaday Abshir Cabdi ayaa ka mid ahaa wasiirrada ugu dhow Qoor Qoor ee sida dhow ula shaqeeya.

Abshir Cabdi oo laga qaaday xilkaan Cali Seeko loo magacaabay ayaa ka soo jeeda Beesha Saruur, waxaana suurtagal ah in xilka qaadistaan ay salka ku heyso xiisad ka taagan magaalada Xarardheere.

Wasiir hore Abshir ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu muhiimsanaa ee Qoor Qoor kala shaqeeyey in is-bedel uu ku sameeyo maamulka degmada Xarardheere, iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Wasiir Abshir oo beesha Saruur ku metelayey siyaasadda Galmudug ayaa hormuud u ahaa isbedelkaas, wuxuuna kaalin ka qaatay in xoog iyo xeelad Xarardheere lagu geeyo guddoomiyihii uu magacaabay Axmed Qoor Qoor, ugu dambeyntiina waa ku guuleyteen taas.

Saruur ayaa aad ugu kala jabay arrintaas, waxayna xogo kala duwan ka soo baxayaan sababta uu Qoor Qoor xilkii ugu qaaday saaxiibkiis, kadib markii uu u isticmaalay xilka qaadistii guddoomiyaha Xarardheere oo inta badan beesha Saruur ay ka carootay.

Xubno xog ogaal ah ayaa Wararka Maanta u sheegay in Qoor Qoor iyo Saruurkii carooday ay wadahadal galeen, isla markaana lagu heshiiyey in la tuuro Wasiir Abshir, isla markaana la magacaabo xubin lagu qancinayo gadoodka beesha iyo qodobo kale oo ay ka tabanayeen maamulka Galmudug.



Source link