Qoor Qoor oo degdeg u soo magacaabay wasiirro cusub kadib is-casilaadii galabta

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si deg deg ah u soo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug, kadib markii galabta uu is casilay wasiiru dowlihii uu magacaabay markii uu xilkaan qabtay afar sano iyo dhowr bilood ka hor.

Maxamed Faarax Xuseen ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug, kadib markii uu galabta si iskiis ah isku casilay Cumar Shido oo ku dhowaad 5 sano xilkaas hayey.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa digreetadaan ku magacaabay Wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo cayaaraha Galmudug, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Cabdi Faarax.

Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa galabta sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu is-casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey, isla markaana uu ka aqbalay.

Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isagoo sheegay inuu reer Galmudug u adeegi doono xataa isagoo aan xil haynin.

“Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey masuuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen, waxaan cadeynayaa in aan iska casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada Galmudug,” ayuu yiri wasiir hore Cumar Shido.

Ninkaan oo Qoor Qoor la shaqeynayey tan iyo markii lasoo dhisay xukuumadda Madaxweyne Qoor-Qoor, isla markaana aad ugu dhowaa, aadna uga difaaci jiray baraha bulshada, ayaa hadda ku gaabsaday in sababta is-casiladaan ay isaga u gaar tahay.

Galmudug ayaa gashay waqti doorasho aan kala cadeyn sida ay wax u dhacayaan ama hanaanka doorasho ee la aadayo, 5 sano ayaa u sii dhamaaneysa Qoor Qoor, dadkuna waxay rabaan doorasho, balse isagu wuxuu quud-dareynayaa inuu kursiga sii joogo.

Hoos ka eeg warqadda



Source link