Qodobo culus oo laga soo saaray dagaal beeleedkii ka dhacay LUUQ

Posted on

Luuq (Wararka Maanta) – Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo degmada Luuq ee gobolka Gedo oo u joogay xalinta shaqaaqooyinkii maalmahan ka jiray halkaas, ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob, si dhinacyadu u gaaraan heshiis nabadeed rasmi ah.

Qodobadan oo uu soo saaray guddiga loo igmaday xal ka gaarista colaaddii dhacday ayaa ugu horeyn waxay dhinacyada fareen inay qaataan xabad-joojin bilaa shuruud.

Hoos ka aqriso qodobada kasoo baxay guddiga:

1. Xabad-joojin aan wax shuruud ah ku xirneyn oo labada dhinac ay dhaqan geliyaan.

2. In nabadda guud ee degaanka la qaato qofkii wax geystana ay isaga u gaar tahay tallaabo wada-jir ahna laga qaado.

3. In dhinacyada dirirtu dhex-martay ay u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday.

4. In laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta Bulshada.

5. In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan Hantida Dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa.

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in guud ahaan shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan nabadda, islamarkaana dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland aoo kulamo kala duwan oo xal lagaga gaarayo wixii dhacay la yeeshay maamulka degmada, hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada ayaa baaq soo saaray.

Sayid ayaa dhinacyadii ku dagaalamay degmada Luuq ugu baaqay in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay iyo weliba inay qaataan xabad-joojin shuruud la’aan ah, si heshiis nabadeed rasmi ah loo gaaro.



Source link