Qatar iyo Ethiopia oo yeelanaya iskaashi dhinaca Teknoolajiyada casriga ee Militeriga

Posted on

U qeybsanaha milliteriga ee safaarada dowladda Qatar ku leedahay Ethiopia, Sareeye Guuto Maxamed Cali Al-Xajri iyo taliyaha Jaamacadda Difaaca Ethiopia, Sareeye Guute Kebede Regasa ayaa kulan khaas ah ku yeeshay magaalladda Addis Ababa.

Qoraal ka soo baxay ciiddanka Difaaca Ethiopia (ENDF) ayaa lagu sheegay in kulankaasi oo dhacay Talaadadii la soo dhaafay looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jireen xoojinta iskaashiga teknoolajiyada milliteriga ee labada dal.

Jeneral Maxamed Cali Al-Xajri waxa uu xusay inay taageero ka geysan doonaan xiriirka dhow ee iskaashiga milliteriga iyo sidii loo samayn lahaa xiriirka hay’adaha waxbarashada milliteriga, tababarada, cilmi baarista iyo qeybo kale.

Dhinaca kale, taliyaha Jaamacadda Difaaca Ethiopia, Jeneral Kebede Regasa waxa uu hoosta ka xariiqay inay lama huraan ahayd inay hay’adaha milliteriga labada waddan ka faa’ideystaan khibradaha iyo teknoolajiyada milliteriga ee u dhexeeya Qatar iyo Ethiopia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link