Qaraxyo lagu hoobtay iyo weerar toos ah oo ka socda xeebta Liido

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Kooxda ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerartay dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo maleynayo in dad lagu soo xiray ayaa gilgilay barxadda xeebta Liido, waxaana xigay weerar toos ah.

Dad badan ayaa lagu laayey qaraxyada, waxaana lasoo duubay muuqaalada meydad iyo dhaawacyo daadsan banaanka xeebta Liido.

Sidoo kale waxaa la sheegay in mid kamid ah hoteellada ay ka dhex dagaalamayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Rasaas toos ah iyo banbaanooyin ayaa ka dhacaya xeebta iyo hoteellada saaran Liido, sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa dagaalamaya.

Waxaa adag in loo gurmado dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintay oo daadsan barxadda weyn ee xeebta Liido, magaalada Muqdisho caawa aad ayey u kacsan tahay xaaladu.

Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal isugu jira gurmadka shacabkii Khawaarijtu waxyeelaysay iyo soo afjarista Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii weerarka soo qaaday.

Wixii ka soo kordha kala soco Wararka Maanta



Source link