Qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay Muqisho + Khasaaraha

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo is xig-xigay ayaa si gaar ah uga dhacay waddada laamiga, gaar ahaan dalcadda degmada Kaxda, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada ay ahaayeen labo, ayada oo nuucooda lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso.

Khasaare badan ayaa lasoo wariyay oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo askar ku sugnaa goobaha la qarxiyay.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinayo maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan oo gurmad deg deg ah loo fidinayo.

Sidoo kale halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ahayd goob ay dhalinyarada tegaan, ayna sawirro ku galaan, maadaama ay u dalxiis tegaan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaasi ka wada baaritaano dheeraad ah.



Source link