Qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo loo badinayo miino ayaa si gaar ah uga dhacay goob maqaayad ah oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Xaaladda goobta ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana gaaray ciidao ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda reer galbeedka ee deggan Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay heleen digniin cusub oo ku aadan in caasimada ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniinta ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Shacabka ayaa sidoo kale looga digay inay tegaan goobahaasi oo ay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab, sida ay muujineyso digniinta.

Horay ayaa sidaan oo kale looga digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana mar-walba oo ay soo baxaan digniinahan inta badan dhaca weeraro, inkastoo mararka qaar meelaha laga digay aanay ka dhicin ee la beegsado goobo kale.



Source link