Muqdisho (Wararka Maanta) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaayadda lagu magacaabo Geel-doox oo ku taalla dhabar dambe ee guriga hooyooyinka.
Goobjoogayaal ayaa Wararka Maanta u sheegay in baabuurka qarxay la dhigay maqaayadda, kadibna looga tegay.
Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa maqaayadda ku sugnaa dad badan, maadaama la joogay waqtigii qadada, sida ay innoo sheegeen dadka aan la hadalnay.
Khasaare kala duwan ayaa jiro, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo gebi ahaan xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.
Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net