Putin oo ku dhawaaqay isbedel halis ah oo uu ku sameynayo hubkiisa Nuclearka

Posted on




Putin ayaa maanta ku dhawaaqay isbeddel ay ku sameynayaan nukliyeerka si loogu beddelo hub fudud oo loo adeegsan karo dagaalka.

Talaabadan oo kale waxaa la sheegay in reer galbeedka xitaa ay ku howlan yihiin

Isagoo arrintaa ka hadlaya Putin wuxuu caddeeyay in khubarada reer galbeedku ay u arkaan inay suurtogal tahay in nukliyeerka loo isticmaalo dagaal caadi ah, taasoo uu sheegay  isbeddellada suurtagalka ah ee istaraatiijiyadda oo Ruushka uu ku sameynayo nukliyeerka si uu dagaallada ugu adeegsado inay la xiriirto.

Talaabadan ayaa waxay ka dhigantahay in la soo saarayo gantaallo iyo hub kale oo lagu garaaci karo dhufeysyada iyo bartilmaameedyo gaar ah, iyadoo aysan kiimikada nukliyeerka u gudbin dhul kale, laakin isla goobta bartilmaameedka ayaa noqonaysa meel aan dhaawac laga qaadin.

Si la mid ah isla nukliyeerka la qafiifiyay ayaa loo adeegsan kara burburinta warshadaha iyo saldhigyada militari, xataa garoommada diyaaradaha militariga ama saldhigyada badda ee maraakiibta dagaalka ay yaalaan, si waqti kooban looga dhigo kuwo aan dib loo adeegsan karin.

Haddii ay dhacdo soo saarista nukliyeerka goob kasta lagu adeegsan karo waxay soo gaabinaysa dagaallo sannado qaadan lahaa in lagu kala baxo maalmo kooban




Source link