PUNTLAND oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Xasan Sheekh

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana mar kale Puntland ay eedeymo culus u jeedisay Xasan Sheekh.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa ku eedeeyay in Soomaaliya ay ku rideen god dheer, ayna sabab u tahay siyaasad xumo darteed.

Dirir ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya ay qaadatay siyaasad ka dhan ah cid kasta oo kasoo horjeeda, taasoo keentay in xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu xumaado, meeshana ay ka baxdo wada shaqeyntii labada dhinac.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in aan la aqbali karin sida ay wax ku waddo dowladda dhexe, ayna tahay arrin walaaceeda leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay ku dhaqmayso siyaasad aan la aqbali karin oo cid kasta oo ka soo horjeeda ku caburineysa,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Sidoo kale wuxuu “Haddii aan wax laga qaban, waxaa jiri doona khatar weyn oo ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya oo sii xumaanaysa.”

Waxaa kale oo uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku guul-dareystay fulinta nidaamkii heshiiska lagu wadaa ahaa ee uu ugu horreeyo ku dhaqanka dastuurka.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay joojisay dhammaan mashaariicdii muhiimka ah ee dowlad goboleedyada, wuxuuna ugu baaqay 5-ta maamul goboleed inay isku yimaadaan oo ay ka wada-hadlaan xaaladda adag ee haatan taagan.



Source link