PUNTLAND oo jawaab culus ka bixisay hanjabaadii ciidanka PSF

Posted on

Boosaaso (Wararka Maanta) – Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii dhowaan hanjabaad culus ay soo saareen ciidanka PSF ee fadhiggoodu yahay gudaha magaaladaasi.

Taliska PSF oo maalin kahor qoraal soo saaray ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso loo beddalay xero ciidan, isla markaana laga wareejiyay gacantii rayidka, sidoo kalena askar oo dhaawac ah oo ka tirsan ciidanka PSF-ta laga hor istaagay in laga dhoofiyo garoonka Boosaaso.

PSF ayaa sidoo kale ku goodisay inay qaadeyso tallaabo ciidan, waxayna shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan aagga garoonka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin halkaasi.

“Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal maalin kahor kasoo baxay ciidamada PSF.

Intaas kadib Puntland ayaa jawaab ka bixisay hanjabaadda PSF, waxaana xalay kulan ay isugu yimid maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha ciidamada, kaas looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Boosaaso, wararka la xiriira khalkhal galinta.

Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Saciid oo madasha ka hadlay  ayaa ganafka ku dhuftay hadalka kasoo yeeray ciidanka PSF, wuxuuna hoosta ka xariiqay in nabad-gelyo xumo aysan ka jirin magaalada Boosaaso.

Sidoo kale wuxuu baaqay ciidanka PFS inay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri karo nabad-gelyo darro, si loo ilaaliyo xasiloonida magaalada.

“Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari.

Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaasi.



Source link