PUNTLAND oo amartay in aragti lagu toogto saddex nin oo…

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhowaan ka baxsaday xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sarakaal sare oo ka tirsan maxkamadda ayaa sheegay in raggaas oo hadda la raadinayo ay ku xukumanaayeen dil toogasho ah, isla markaana ay la mid yihiin 10-kii nin ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee saaka lagu toogtay fagaare ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo.

Sidoo kale wuxuu sarkaalkan amar ku bixiyay in ciidamada ammaanka ay aragtii ku toogtaan saddexda nin ee baxsadka ah, haddii ay meel ku arkaan.

“Laamaha ammaanka Puntland waxaan farayaa in meeshii lagu arko lagu dilo 3 maqane oo kamid ah dadka maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay,” ayuu yiri

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka gobolka deggan waxaana ugu baaqayaa wiilashiina Shabaab ka ilaashada, annaga indhaha noo furan qofka soo galaa waan la soconaa”.

Raggan ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana weli soconayo howlgallo lagu baadi goobayo.

Puntland ayaa saaka toogasho wadareed ku fulisay 10 Shabaab ah oo ku xukumunaa dil toogasho ah, kuwaas oo kala ahaa:-

1. Xukmane Xasan Jaamac Maxamed 2. Xukmane Liibaan Aadan Muuse 3. Xukmane Barkhad Cawil Xirsi 4. Xasan Muuse Axmed 5. Xukmane Cabdiqaaliq Warsame Barre 6. Xukmane Cadde Cabdullaahi Maxamed 7. Xukmane Maxamed Cabdisalaan Axmed 8. Xukmane Cabdiraxmaan Faysal Salaad 9. Xukmane Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi iyo 10. Xukmane Cabdisalaan Sahal Shucayb.




Source link