ONLF oo dib u qiimeyneysa heshiiskii nabadda ee Abiy Axmed ay la galeen 6 sano ka hor

Posted on

Jigjiga (Wararka Maanta) – Ururka ONLF ayaa sheegay inay dib u qiimaynayaan heshiiskii nabada ay la galeen dowlada Itoobiya sanadkii 2018-kii, kaas oo afjaray dagaal ahli ah oo muddo 30 sano ka badan socday, waxaa warkaan cusub ee ururka ka soo baxay lagu sheegay inay dhaqan gelinayaa. qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyay 6 sano ka hor.

Afhayeenka ururka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) oo la hadlay BBC ayaa sheegay in heshiiska uu ahaa in hadafkii ONLF ee ahaa in xuquuqda dadka iyo dhulka ay dagaalka ku raadin jirtay ay nabad ku raadiso.

“Waxaa kale oo uu ku saabsanaa in dhibaatada dhex taalla Soomaalida iyo Itoobiya ama dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya oo laga wadahadlo khilaafka asalkiisii oo xal loo raadiyo, loona saaro guddiyo heer deegaan ah, kuwa Federaal iyo xubno ka tirsan ONLF, si loo helo xididka dhibaatada la isku hayo,” ayuu yiri Cadaani.

Wuxuu intaas ku sii daray, “In dadkayagii uu dagaalka saameeyay oo u qaxay dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti iyo dalal kaleba dib loo soo celiyo oo dib u dejin loo sameeyo iyo meeleynta ciidankii xoreynta Ogaadeeniya ee ururka xubnihiisa ahaa.”

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in heshiiskaas uu keliya ka dhaqan galay in nabad lagu wada joogo oo 6-daas sano, balse qodobadii ku saabsanaa ciidanka ayuu sheegay in aysan hirgelin.

“Qodobbadii ku saabsanaa ciidanka iyo dib u dejinta dadkii ay dagaalladu saameeyeen ma hirgelin, guddiyadii in wadahadalka inuu sii socdo ahayd ee lagu raadinayay xalka dhibaatada aasaaskeeda iyo meesha ay ka timid wax yar baa ka bilowday, horeyna uma soconin,” ayuu yiri Cabdulqaadir Hirmooge.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay waqti siiyeen, xiligii kala guur ahaa ee Abiy Axmed uu taliskiisa xoojinayey, “Garbay ahayd inaan waqti siino, isbadal baa ka dhacay deegaankayaga, tan kale marar badan baan qiimeynay oo qoraal baan u dirnay dowladda Itoobiya, inagoo xusnay arrintan marka qiimeyntan waxa ay ka mid tahay kuwii hore un balse waxa ay ku aadday xilli xasaasi ah oo Geeska Afrika ay xaalado ka taagan yihiin,” ayuu yiri Afhayeenka ONLF

Bishii September ee sannadkan Ururka ONLF ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula, waxayna ururka ONLF sheegeen in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso, isla markaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha, balse Itoobiya weli kama jawaabin farriintii ONLF.



Source link