Odayaasha Hawiye oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan + Video

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye oo mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Odayaasha ayaa shirkooda si gaar ah diiradda ugu saaray muranka ka dhashay xildhibaannadii taageerada u muujiyay Itoobiya oo dhalisay carro aad u xoogan.

Ugu horreyn waxay ka biyo diideen raalli-gelin la siiyay xildhibaannada Koonfur Galbeed oo ay u tageen xildhibaanno kale oo kasoo jeeda Hawiye, kuwaas oo raalligelin siiyay, waxaase arrintaas haatan ka horymid oo xiisadda dab kusii shiday odayaasha Beelaha Hawiye.

Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Beelaha Hawiye oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaannada bixiyay raalligelinta iyo kuwa taageeray Itoobiya ay isku mid yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Hawiye kamid ah oo siyaasadda ku metala ayaa raalli-gelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa, haddaba waxaa isla qaadanay in xildhibaanaddii tegay shalay iyo kuwii hore ay isku mid yihiin” ayuu yiri afhayeenka Beelaha Hawiye.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wax lala yaabo oo ugub ah waxaa ah nin xildhibaan ah oo odayaashiisii raalli-gelin ka bixinaya oo xaal ka bixinaya, waa wax aan la arag oo la maqal”.

Waxaa kale oo uu Nabadoonku ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, ayna difaacaan madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan rabaa marka ugu horreyso inaan caddeyno in Odayaasha Hawiye ee Soomaaliyeed aysan cidna colaad, xumaan iyo dagaal midna aysan u qabin, haddana u qabin waan u taaganahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ug baaqeynaa shacabka inay gacmaha is qabsadaan oo wadajirkooda ilaashadaan, dalkooda ayn difaacdaan” ayuu yiri afhayeenku.

Dhankiisa Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlay kulanka ayaa yiri “Xildhibaano nooma ahan oo Hawiye iyo Habar gidir ma mtalaan kuwa ralli galinta u geeyey xildhibaanadii Ethiopia taageeray ku bishaareysta”.




Source link