NISA oo soo bandhigtay nin ka tirsan Amniyaadka oo ka qeyb qaatay dilka labo qof

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

“Dhagar-qabaha oo lagu magacaabo Cabdisamad Axmed Cismaan ayaa ku eedeysan in uu wade ka ahaa Mooto Bajaaj siday labo dhagar-qabe, kuwaas oo 26-kii October degmada Dharkenley dil ugu geystay labo muwaadin,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Sidoo kale Hay’adda ayaa shaacisay magacyada ragga lagu eedeynayo in ninkaan uu dilkooda ka qeyb qaatay, waxaana la kala dhihi jiray Maxamed Cumar Nuur oo ahaa maamulaha Markazka Al-ansaar oo lagu dilay gudaha Markazka iyo Arday lagu magacaabi jiray Muscab Daahir Xuseen.

Wiilka yar ee Ardayga ahaa ayaa xilliga la dilayay ku hawlanaa farsamada Kaamiro ku xirneyd banaanka Markazka, waana sababta la aaminsan yahay in loo beegsaday dadkaas.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa ku raad jooga dhagar-qabeyaasha kale, si caddaaladda loo hor keeno,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ayaa soo bandhigtay sawirka ninka gacanta lagu dhigay ee loo heysto in dilka labadaas marxuum uu ku lug lahaa, waxaana ku socda baaritaan, si loo soo qabto raggii kale ee dilka gacantooda ku geystay, maadaama kan uu Mootada ay ku baxsadeen uu waday.

Dadkaan ayaa sababsaday kaamiro ay ku xirayeen goobtaas waxbarasho ee ay ku sugnaayeen, waxaana Shabaab ka go’an inay ka hortagaan dadka xiranaya kaamirooyinka wax duuba ee CCTV-ga ah.

Kooxda ayaa sidaan oo kale u dishay ganacsato badan oo xiratay kaamirooyinka, waxaana xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay lasoo qabtay xubno ka qeyb qaadanayey dilalkaas, dowladda Soomaaliya ayaa dadka ku amartay inay xirtaan kaamirooyinka.



Source link