NISA oo howlgal ku dishay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay ka fulisay gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan  Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Yaaqle ee Shabeelaha Dhexe.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu soo afjaray maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo isku uruursanayay deegaanka uu howlgalka ka dhacay.

“Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa lagu afjaray maleeshiyaad Khawaarij ah oo cadowgu kasoo aruuriyay deegaanno kala duwan isla markaana loo diyaarinayay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Hay’adda Nabad-Sugidda ayaa xaqiijisay in howlgalkan lagu khaarijiyay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku jiraan horjoogayaal sar sare oo lagu beegsaday howlgalka.

“Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lasii raaciyay.

Sidoo kale waxaa inta uu socday howlgalkan lagu burburiyay gaadiid iyo ciidan ciidan oo Al-Shabaab u tiilay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dhagar qabayaasha Khawaarijta ay wateen, waxa uuna ku soo dhammaaday guul” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda NISA.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran.

 

 



Source link