NISA oo gacanta ku dhigtay nin Shabaab ah oo u dil u gaysan rabay…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda ka sameeyeen gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay nin ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninka la qabtay uu doonayay inuu dilo ganacsade ku sugnaa gudaha suuqa, isla markaana laga shakiyay dhaq-dhaqaaqiisa.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inuu fal amni darro ah ka geysto suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

NISA sidoo kale waxa ay sheegtay in ninka la qabtay uu kamid ahaa shabakad dilal ka gaysatay caasimada, ayna ku raad joogeen ciidamada ammaanka, sidaasna lagu soo qabtay.

“Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Shabakad dilal ka geysatay magaalada Muqdisho oo ciidamada ammaanka ay ku daba jireen, waxaana maanta lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka hay’adda NISA.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkay eedeysanaha oo hubeysan, ayada oo ay ka shakiyeen dadkii ku sugnaa goobta, kadibna waxaa soo gaaray ciidanka NISA.

Soo qabashada ninkan ayaa kusoo aaday, iyada oo shalay Muqdisho lagu dilay saddex ganacsato ahaa oo loo beegsaday kaamiro CCTV oo ay ku xireen dukaamadood.

Horay sidaan oo kale ayaa ciidamada ammaanka waxay usoo qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku howlanaaa qorsheynta dilal ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay beegsiga ganacsatada Muqdisho, waxayna qarxiyeen dhowr xarumood oo ku yaalla caasimada, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka CCTV.



Source link