Ninkii ugu horreeyay ee loo galiyay Kelli doofaar oo geeriyooday iyo hadal heyn ka dhalatay

Posted on

War kasoo baxay Isbitaalkii sameeyay qaliin kelli doofaar loogu galiyay nin bukaan ahaa ayaa xaqiijiyay geerida ku timid Richard “Rick” Slayman , oo ahaa ninkii ugu horeeyay oo loo geliyay keli doofaar .

Ninkan oo 62 jir ah, ayaa  dhintay laba bilood kaddib markii qaliinka kellida doofaar loogu galiyay lagu sameeyay., waxa uuna bukaankan la ildarnaa cudur kelliyaha oo ahaa heerkii ugu dambeeyay ka hor inta aan qaliinka lagu samayn bishii March ee sannadkan.

Warka kasoo baxay Isbitaalka guud ee Massachusetts (MGH) ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay ka naxeen geerida ku timid Richard “Rick” Slayman, waxa ayna xuseen in aysan jirin calaamad muujineysa in geeridiisa ka dhalatay kellida doofaarka ee loo galiyay.

Ninkan geeriyooday ayaa sidoo kale la sheegay in uu la xanuunsanaa cudurada macaanka iyo dhiig-karka oo u wehliyay xanuunka keliyaha, si rasmi ahna looma xaqiijin hadda sababta rasmiga ah ee sababtay geerida ninkan qaliinkiisa dunidda mar qabsaday.

Bedelka xubnaha kale ee hidde side ahaan ka yimid doofaarka ayaa hore u guul darreystay in bani’aadam loo geliyo., balse qalliinka lagu sameeyay Mr Slayman ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Ninkan ayaa horrey loogu geliyay kelli bini’aadam, balse waa laga saaray markii ay sii shaqeyn weysay, waxa ayna dhaqaatiirtii qaliinka loogu galiyayn kellida doofaarka ku sameeyay sheegeen in uusan mar kale uu baahneyn sifeyn, kaddib markii loo geliyay kelida doofaarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link