Ninka saxiixisa aan wada-hadalkiisa loo ogoleyn iyo arrin weyn oo ay muujinayso

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Muuse Biixi ayaa Addis Ababa heshiis ku saxiixay 1-dii Janaayo ee sanadkaan. Waxaa lagu heshiiyay in 30 cisho gudahood heshiiska rasmi loogu beddelo, Itoobiya ay timaado xeebaha Lughaya, Somaliland aqoonsi la siiyo kadibna saami laga siiyo Somaliland diyaaradda Ethiopian Airlines.

Maalintii heshiiskaasi la galay waxaa laga jooga 6 bilood iyo 6 cisho. Muuse Biixi waraaqihii laga qaatay dib wax loogama weydiin, howshuna waxay yeelatay albaab kale. Albaabkaas kale waxaa la yiraahda dowladda federaalka Soomaaliya.

Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika, Turkiga iyo dhamaan dowladdaha deriska ah ayaa kusoo baxay qadiyadan. Laakiin qofna hal telefoon uma dirin Muuse Biixi, loogamana wicin hal miis oo qadiyadan looga hadlayo.

Asbuucii tegay waxaa magaalada Ankara ee waddanka Turkiga wada-hadal loogu qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya. Laakiin nasiib darro mowduuca la isku haysto ninkii saxiixay oo ah Muuse Biixi Cabdi, tallo, tusaalo iyo xitaa wargelin ma haysto.

Nimankii uu Muuse Biixi siiyay heshiiska ee Itoobiya waxay leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya ma noo sharciyeyn kartaa saxiixa Muuse Biixi.

Arrintii aqoonsiga waa ka gaabsatay Itoobiya, dhawaan hadal uu arrintaasi aqoonsiga ka yiri wasiiru-dowlaha dekeddaha ee dowladda Itoobiya ayaa la tiray. Waxaana Itoobiya kusoo qanacday in aanu jirin maamul goboleed dhul iyo bad bixin kara oo ka jira Soomaaliya.

Marka siyaasadda, dowladnimada iyo qabkaba laga hadlo ma ahan farriin fudud in saxiixaagii aan wax tallo ah lagaa weydiinin, oo aan xitaa kor-joogteyn lagaaga ogoleyn wada-hadalka qadiyad aad markii hore aaminsaneyd in aad adigu go’aan ka gaari kartid.

Haddaba, waa maxay nuxurka halkan ku jira?

Farriinta halkan ku jirta waxay tahay waxaa jira wax la yiraahdo Soomaaliya. Ma jiro maamul kale oo wax ka oran kara, saxiixi kara ama bixin kara bad iyo dhul Soomaaliyeed.

Maamullada ka jira gobollada Soomaaliya waxay awooddaan inay ka shaqeeyaan arrimaha hoose ee la xiriira horumarinta bulshada, amniga iyo wacyi-gelinta, laakiin wixii intaas ka badan Waqooyi iyo Koonfurba adduunka midka kale lama hadlayo oo aan aheyn dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale farriintan niyad-jab ku tahay maamullo kale oo Soomaaliya ku yaalla oo isku dayi lahaa inay iska dhigaan gooni u daaq. In 33 sano kadib Somaliland aan xitaa saxiixeeda waxba laga weydiineyn, waa faham fudud oo la xiriira inuu dalka leeyahay hal dowlad, loona baahan yahay in taas la iimaansado, lagana heshiiyo wixii tabashooyin ah oo Soomaalida dhexdeeda ah.

Waxaa kale oo laga baranayaa mowduucan in aanay dunida maanta u bisleyn in Soomaaliya lasii kala jaro, taas oo aan illaa hadda ka tanaasulin dhulalkii horey uga maqnaa ee jiray dhinacyada Itoobiya iyo Kenya.



Source link