Nin ugu sarreeya sirdoonka ITOOBIYA oo lagu dhex arkay Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Bashiir Cabdi Ameeriko oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay xog xasaasi ah oo ku aadan sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya, kaas oo si qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo maanta ka hadlay kulankii baarlamaanka ayaa sheegay in dhowaan xerada Xalane gudaheeda uu ku arkay ninka ugu sarreeya sirdoonka Itoobiya, isaga oo tilmaamay inuu dhex lugeynayay gudaha xeradaas oo ay dagan yihiin ajaaniib badan.

Bashiir Ameeriko oo horay usoo noqday taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu ninkan horay u yaqiinay, isla markaana ay mar kulmeen xilligii uu ahaa taliyaha.

“Waxaan xog idin-ku siinayaa maalin dhaweyd aniga oo ku dhex lugeynaayo Xalane waxaan ku arkay ninka ugu sarreeyay mukhaaabaraadka Itoobiya oo aan horay u arkay markii aan taliyaha ahaa” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Ameerico.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Xalane ayuu dhex wareegayaay isaga oo kaligiis ah dad yarbaa daba socday,”.

Waxaa kale oo uu kusii daray in arrintan ay muujineyso mid laga leeyahay dano aad u wayn, isla markaana la doonayo in Soomaaliya ay sii joogaan shisheeyaha, ayna farogeliyaan arrimaheeda gudaha.

“Maxaa keenaayo in sidaan aan kusii jirno? waxaa la rabaa in ATMIS ay sii joogto, UNSOM inay noo keento mashaariicda yaryareyd ee aan ka dhamaaneynin in la yiraahdo garoonkooda iyo dekeddooda ma lagu aamini karo” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Hadalkan xasaasiga ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay is hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ka dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda, taas oo sababtay inuu go’o xiriirkii labada dhinac, waxaana xogta uu bixiyay xildhibaanka tahay mid leh walaaceeda, maadaama ay halis tahay in dal aad haysaan uu kusoo diro sirdoonkiisa.



Source link