Niger: Ciidamada Ruushka oo galay saldhig ay degan yihiin Milateriga Mareykanka

Posted on

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah,sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa sarkaal Mareykan ah oo ka tirsan wasaaradda difaaca

Waxaa uu intaas ku daray in ciidamada Ruushka aysan ku dhex milmin ciidamada Mareykanka, balse ay isticmaalayaan goobo gaar ah oo ku yaalla garoonka Diori Hamani ee magaalada Niamey oo ah caasimadda Niger.

Tallaabadan ayaa daba socota , kaddib markii militariga la wareegay xukunka dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Niger, ay ku amreen Mareykanka inuu dalkaas kala baxo ciidankiisa

Waxay ka baxeen heshiisyada difaaca ee u dhaxeeyay Niger iyo Mareykanka, dhammaan saldhigyada uu ka baxayna waxaa la wareegaya Ruushka oo ay markiiba militariga Niger soo dhoweyn u muujiyey.

Waxaa loo arkaya hadda goobta ugu dhow ee ay ku wada sugan yihiin labada ciidan ee cadaawada ugu xun ay adduunka ka dhaxeyso saldhigga ku yaalla Niger.

Source link