Nasrallah oo u hanjabay ISRAEL iyo magaalo halis ugu jirta weerarka IRAN

Posted on

Tehran (Wararka Maanta) – Israa’iil waxa ay isu diyaarinaysaa ciidan ahaan iyo bulsho ahaanba, si ay uga gaashaamato weerarada suurta-galka ah ee uga imanaya ururka Xisbullah ee Lubnaan.

Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii Israa’iil ay u geystaya taliyihii ciidamada Xisbullah, Fouad Shukr.

Israa’iil waxay geysay xudduudda dhanka Lubnaan gantaallada difaaca hawada, waxayna sare u qaadday heerka feejignaanta ciidamadeeda.

Dadwayne badan ayaa laga daabulay magaalooyinka ku yaalla xuudduudda Lubnaan, waxaana dadka si joogta ah loo siiyaa talooyin ku aaddan waxa dhici kara.

Magaalada Haifa, tusaale ahaan, waxaa ka socda diyaar garow aad u wayn waxaa laga sameeyay goob isbatal ah oo xaaladaha degdega ah loogu talagalay haddii lacalla magaalada la soo weeraro.

“Haifa uma diyaarsano iska hor imaad,” hadalka ayey ku cel-celiyaan dad badan oo deggan magaaladaas, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​300,000 oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo 12 boqolkiiba ay yihiin Carabta Israa’iil ayaa ah in aysan dagaal u diyaarsaneyn.

Dadka deeggan halkaas waxaa ka mid ah Yoav Haifa, kaasi oo aaminsan in dowladda iyo ciidamada Israa’iil ay magaalada Haifa u soo jiidayaan in la bartilmaameedsado iyo in ay noqoto xudunta iska horimaadka, isago farta ku fiiqay “dilalkii qorsheysnaa oo israa’iil dhawaan ay fulisay”.

“Bartilmaameed kasta oo lagu sameeyo goobaha kiimikooyiinka waxay khatar ku tahay boqolaal kun oo qof oo deggan,” Yoav ayaa noo sheegay markii aan weydiinnay waxa dadka deggan magaalada ay aad uga walaacsan yihiin.

Waxa uu sheegay in inta badan guryaha Haifa aysan ka jirin hoy ama meelo ammaan ah, isla markaana aysan jirin meel gabaad laga dhigto.

Runtii, qaar badan oo ka mid ah dhismayaal ku yaal Haifa, waa dhismayaal duug ah, mana laha meelo god hoose ah oo loogu talagalay in dadka ay ku gabadaan.

Sagaashamaadkii, ka dib markii uu qarxay waxa loogu yeero Dagaalkii Labaad ee Gacanka 1991, waxaa la soo rogay sharci Israa’iil oo dhigaya in qandaraaslayaasha dhismuha ay xaqiijiyaan in marka ay guriyaha dhisayaan ay ku dhex dhisaan hal qol oo ku yaalla goob hoose oo god ah oo ay dadka gabaad ka dhigan karaan.

Laakiin tiro badan oo guryaha magaalada ah, oo ay ku jiraan kuwa ay deggan yihiin Carabta Israa’iil, ayaan haba yaraatee ku jirin meelo dadka ay gabaad ka dhigan karaan, maadaama la dhisay ka hor inta aan sharcigan la soo saarin.

Wasaaradda ilaalinta deegaanka ee Israa’iil ayaa sheegtay in Haifa ay ka kooban tahay bakhaaro badan iyo warshado loogu talagalay kiimikooyinka halista ah, taas oo walaac weyn ku haysa dadka deegaanka.

Muxuu Xoghayaha Guud ee Xisbullaah ugu hanjabay Haifa?

Haifa waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Israa’iil, waxayna leedahay meelo badan oo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan saldhigyo ciidan oo muhiim ah, goobaha lagu keydiyo kiimikooyinka batroolka, iyo dekedda dhexe ee magaalada.

Xoghayaha guud ee Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa sheegay in laga yaabo in Haifa ay ka mid tahay bartilmaameedyada jawaabta xisbigu ka bixnayo dilkii Israel u geysatay taliyihii militariga Fouad Shukr, kaas oo la dilay todobaadkii hore.

Sida laga soo xigtay goob-joogayaal, Haifa waxay noqon kartaa mid xiisadda sii kordhisa marka loo eego muhiimada istaraatiijiyadeed iyo dhaqaalaha.

Walaaca kale ayaa ah in magaaladan ay aad ugu dhaw dahay xudduudda islamarkaana dhawaan ay Xisbullah soo bandhigeen sawirro dhowr goobood oo istiraatiiji ah.

Sidee ayay Israa’iil ula tacaashay hanjabaadaha Iiraan iyo Xisbullah?

Maalmihii ugu horreeyay ee ka dambeeyay dilkii Shukr iyo Haniyeh, Israa’iil waxay gashay fejignaan ay sugaysay jawaab. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa hanjabaad soo saaray, saraakiisha ururka xisbullah oo ku goodiyay in ay weerari doonaan Israaiil.

Iyada oo ay sii socoto xaaladda walaaca iyo cabsida ka dhex jirta Israa’iiliyiinta, ayaa afhayeenka ciidamada Israa’iil waxa shacabka soo hormuuqday ugu yaraan saddex jeer si uu u dejiyo ra’yiga dadweynaha, isaga oo sheegay in aanay waxba iska beddelin tilmaamaha hore ee dadka la siiyay.

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa buux-dhaafiyay bakhaarrada si ay u kaydsadaan sahayda cuntada aasaasiga ah, kuwaas oo si degdeg ah loogu baahnaan doono haddii ay xiisadda sii kordaho.

Xukuumadda Israa’iil ayaa dhankeeda soo saartay awaamiir ay dadka uga dalbanayso iibsashada baytariyada, iyo xirmooyinka gargaarka degdegga ah, iyadoo la filayo in uu dagaal dhaco.

Isha: BBC



Source link