Nabadoonka guud ee beesha Derisame Gaaljecel oo lagu caleemo-saarey Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Nabaddoonka guud ee beesha Derisame Gaaljecel Nabadoon Cabdullaahi Cabdi Isaaq (Soojeede) ayaa maanta lagu caleemo-saarey munaasabad ballaaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. 

Munaasabadda ballaaran ayaa waxaa kasoo qeyb-galay dhaqanka beesha Gaaljecel, dhaqanka kale ee beelaha Soomaaliyeed, culimaa’udiin, aqoon yahan, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Nabadoon Cabdullaahi Cabdi Isaaq (Soojeede) ayaa loo doortey nabaddoonka guud ee beesha Derisame oo ka tirsan beelwaynta Gaalejecel. “Dadkeyga Derisame Gaaljecel shan mar ayaan ka diiday in aan nabadoon u noqdo, maanta waa ka yeelay,” ayuu yiri nabadoon Soojeede. 

Nabadoon Soojeede, nabadoonka beesha Derisame, ayaa horey ugu soo shaqeeyey qeybaha kale ee dhaqanka beesha, waxa uuna baddeley nadoonkii hore ee beeshan, kaas oo ay labo sano ka hor khawaarijta ku dileen gudaha magaalada Muqdisho. 

Nabadoonka ayaa ballan qaadey in uu ka shaqeyn doono hagaajinta dhaqanka beesha iyo ka shaqeynta arrimaha guud ee beelaha walaalaha ah ee ay la degta beesha, si dadka Soomaaliyeed ugu wada noolaadaan nabad iyo horumar.

Nabaddoonka ayaa sidoo kale duubabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is-qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay dadka Soomaaliyeed uga saari lahaayeen dhibaatada maanta haysata.



Source link