Nabadoon oo shaaciyey qorshe yaab leh oo Laftagareen ka dhex wado Hawiye iyo Raxanweyn

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Abaabul ayaa si adag uga jawaabay qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ugu hiilinayo dowladda Itoobiya, nabadoonka ayaa warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Nabadoon Abaabul ayaa sheegay in Laftagareen uu ku fashilmay inuu doorasho qabto, isla markaana kursi jecli ay u geysay in Itoobiyaan uu hoos galo, “Cabdicasiis kuu qari meyno jooji waxaa wado Soomaaliyaa tahay Xabashi ma tihid,” ayuu yiri.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in Laftagareen uu deegaanada Koonfur Galbeed u diiday siyaasiyiintii ka soo jeeday isagoo taas bedelkeed ku aoo dhaweynaya Itoobiyaanka, isagoo arrintaas ku tilmaamay wax yaab leh.

“Dadkii Bay iyo Bakool u dhashay ayaad u diiday deegaankooda, markaasaa Xabashi noo soo dhoobtay, taas kaama yeeleyno, halu daalin,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in xildhibaanadii go’aankiisa ku taageeray uu u aqoonsaday SYL 2, “kuwa diiday damaca Itoobiyaanka aad dabada ku wadato maxaan ugu yeereynaa? Iyaga ayaa xaq u leh in magacaas loo bixiyo ee magac ha u soo bixiyo.”

“Dalkaan wax Hawiye iyo Raxan weyn la yiraa kama socdaan, waxaa loo kala baxay Soomaali iyo Xabashi, ninkaan wuxuu wadaa boor isku qaris iyo xasarad abuur, dadka u banaanbaxay waa jufadiisa hoose, Raxanweyn maaha,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul.

Nabadoon Abaabul ayaa sheegay in xaqa beelaha Raxanweyn uu yahay doorasho iyo inay iska wareejiyaan ninkaan Soomaalinimada diidan, isagoo ku guudiyey in taasi ay horgeli doonto.

“Amxaaro ayaan rabaa iyo Amxaaro ma rabno isku qaba meyno Soomaali waa mideysan tahay, Laftagareen waa fashilmay ee doorashada haka wareego, xaqa Raxanweyna waa doorasho, Laftagareen magacaaga lee ku baaba’aaya tan ee ka joog Soomaaliyaa tahay, isaga iyo Muuse Biixi meesha aad ku dambey doontaana ilama fiicna,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul oo ka soo jeeda Mudullood.

Hoos ka daawo



Source link