Nabadoon caan ah oo lagu dilay degaan hoos taga gobolka Galgaduud

Posted on




Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen nin Nabaddoon Caan ka ahaa degaankaas.

Alle ha u naxariistee Nabaddoonka oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Daahir Daa’uud ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaalla degaanka laanqeylo, maleeshiyaadkii dilka geystay ay Goobta ka baxsaday

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Nabaddoonka la dilay uu kamid ahaa Xoolo Dhaqatada degaanka laanqeylo, isla markaana dilkiisa uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo waayahaan ka taagan degaano katirsan Galmudug.

Ciidamo katirsan laamaha Amniag ayaa gaaray degaanka laanqeylo ee Gobolka Galgaduud halka uu oo dilka ka dhacay, kuwaas oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka Cabdi Daahir Daa’uud.




Source link