Muxuu yahay xanuunka xoolaha Soomaalida ku dhacay ee looga digay dadka

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Deegaano ka mida dhulka miyiga ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa inuu ka jiro xanuun ku dhacaya xoolaha.

Xanuunkaan oo loo yaqaanno Jadeeco Madow, dadka qaarna u yaqaanaan ku habso ayaa maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in uu kaga yimid dhanka dalka Itoobiya.

Sida uu BBC-da u sheegay Dr Suleymaan Maxamed Saalax Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Galmudug ahna Dhaqtar bartay daaweynta cudurrada ku dhaca xoolaha Calaamahadaha lagu garto waxaa ka mid ah:

  • Qandho badan iyo tabar darro
  • Dheecaan sanka uu neefka ka sii deynayo
  • Afka oo neefka uu burburayo
  • Shuban iyo neefta oo dhibeysa
  • Dhogorta oo madoobaanesyo
  • Maahsanaan neefka la soo darseeyso

Waxaana jirta in marka uu xoolaha xanuunkan ku dhaco uu neefku toddobaad kadib dhimanayo.

Maxaa sababa xanuunkan?

Sida uu BBC-da u sheegay Dr Suleymaan, xanuunka waxaa la yirahdaa Jadeeca Madow afka qalaadna waxaa lagu yirahdaa Peste des petits ruminants (PPR).

“Xanuunkan waxaa sababa fayrsas la yirahdo Morbillivirus waxa uuna si khaas ah ugu dhacaa idaha iyo riyo cadka, wuxuu sidoo kale ku dhacaa ugaarta sida Deerada, Biciidka iyo xitaa doofarka Soomaaliya joogo marka cudurkani.”

PPR waxaa markii ugu horreysay1942-kii lagu arkay Côte d’Ivoire, Galbeedka Afrika. Wixii markaas ka dambeeyay cudurku wuxuu ku fiday gobollo waaweyn oo Afrika ah, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Yurub. Maanta, in ka badan 70 waddan ayaa halis sare ugu jira qaar badan oo kalena lama oga heerka rasmiga ah ee PPR.

Maxaa hadda keenay inuu aad ugu faafo xanuunkan xoolaha Soomaalida?

“Cudurkan waa cudur faafa, neefta ayayna xoolaha isugu faafiyaan waxa uuna aad ugu dhacaa Idaha iyo Aricadka oo ay Soomaalida aad u dhaqato sababta keentay ayaana ah in aan la koontaroolin maaddaamaa Soomaaliya xadkeeda aysan jirin xakameysa,” ayuu yiri Dr Suleymaan Maxamed Saalax Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Galmudug.

“Caadiyan cudurrada iska tallaabo nidaam loo maamulo ayay leeyihiin kaas oo loo yaqaano Control Transported Disease xadka Soomaaliyana waa iska sii bax oo iska soo gal waxaana xilligaan xagaaga dhaca qabow daran kaas ayaana sii xoojiyay.”

Dr Suleymaan Maxamed ayaa sheegay in xog uruurin ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dhammaan deegaanada Galmudug uu ku faafay xanuunkan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ka maamul ahaan ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo la xiriira xanuunka Jadeeca Madow ee faraha ba’an ku haya xoolaha Galmudug.

“Ka maamul ahaan waxaan sameynay daaweyn walow aanan dabooli karin dhammaan baahiyaha Galmudug oo xoolaha ku nool aad ayay u fara badan yihiin, gobollada dariska nala ah sida Puntland iyo Hiiraana waa uu ka jiraa xanuunkan marka wax waan ka qabanay anagoo gaashaneynaa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Waxa uu sheegay in cudurkan aysan jirin dawo caadi ah oo loogu talagalay laakiin lagu daweeyo daawooyinka antibiyootik la yirahdo gaar ahaan Ceftriaxone, Gentamycin), 5% dextrose, Multivitamins, Meloxicam.

Hase yeeshee sida ugu fiican ee xanuunkan lagu xakameeyo ayaa ah in la tallaalo xoolaha ayuu yiri Dr Suleymaan.

Isha: BBC



Source link